Qatar iyo UK oo doonaya in xabbad joojin ay ka dhaqangasho Qaza

0
849

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer oo khadka taleefoonka ku wada xiriiray ayaa sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay in heshiis xabbad joojin ah uu ka dhaqan galo Qaza.
Waxay sidoo kale ku baaqeen in gargaar baniaadannimo la geeyo Marinka Qaza.
Wakaaladda wararka ee Qatar ayaa qortay in labada mas’uul ay walaac ka muujiyeen xaaladda baniaadannimo ee ka sii dareysa ee ka taagan Qaza iyo siyaabaha ay ku xoojin karaan iskaashigooda.