Ilo wareedyo caafimaad ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada militariga ee Israa’iil ay maanta guud ahaan Qaza ku dileen in ka badan 23 ruux.
Shalay ayay ahayd markii la dilay ugu yaraan 44 qof oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa dadkaasi ka mid ahaa 18 ruux oo sugayay gargaar baniaadannimo.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii waxay Israa’iil duullaanka Qaza ku dishay ugu yaraan 61,158 qof halka la dhaawacay 151,442 kale.