Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Samburu ayaa sheegay in ay qabteen moondooriyaha nooca xashiishka oo qiimo ahaan lagu qiyaasay 1.8 milyan oo shilin.
Ciidamada ayaa howlgalka fuliyey ka dib xog ay ka heleen dadweynaha.
Tani ayaa timid ka dib markii ay shacabka soo sheegeen in ay ka shakiyeen baabuur taksi oo ah Toyota Probox oo ay ka muuqatay taargo aan la garan kaasi oo ka soo ambabaxay ismaamulka Isiolo kuna soo wajahnaa Marsabit.
Dadka ayaa intaasi ku daray in ay arkeen waxyaabo gaariga laga dejinayay xilli uu marayay meel u dhow webiga Waso Nyiro.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in daroogada la qabtay ay tahay ilaa 62.65 kiilogaraam.