Madaxweynaha dalka oo saxiixay xeerarka la tacaalidda daneysiga iyo badbaadinta bulshada

0
440

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku saxiixay hindise sharciyeedyada lagula tacaalaya daneysiga iyo midka badbaadinta bulshada ee kala ah Conflict of Interest Bill, 2023, iyo Social Protection Bill, 2025.
Waxaa hindise sharciyeedka koowaad baarlamaanka u gudbiyay xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda ee golaha qaran ee xeer dejinta Kimani Ichung’wah.
Xeerkan ayaa la doonaya in wax looga qabto in shaqaalaha dowladda ay xilalkooda si gaar ah uga macaashaan.
Waxaa uu mideynaya nidaamyada kala duwan iyadoo awood buuxda oo dhanka kormeerka ah la siinaya guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC).
Waxaa uu shaqaalaha dowladda ka mamnuucaya in ay saami ku yeeshaan shirkado uu qandaraas kala dhexeeya maamulladooda.
Howlwadeennada ayaa looga baahan yahay in ay ka cudur daartaan go’aammada ay dan shakhsiyeed ku leeyihiin.
Sidoo kale , waxaa laga doonaya in ay shaaca ka qaadaan dakhligooda, hantidooda iyo kuwa xaasaskooda mise carruurtooda iyaga ku tiirsan.
Hindise sharciyeedka labaad ee uu maanta madaxweynaha dalka William Ruto qalinka ku duugay oo xeerka noqday ayaa ah mid lagu ilaalinaya xuquuqda iyo badqabka bulshada si gaar ah rayidka nugul.
Waxaa sidoo kale hindisahan baarlamaanka hor geeyay xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda ee golaha qaran ee xeer dejinta Kimani Ichung’wah.