LSK oo sheegtay in keliya maxkamadda ay qofka ku caddeyn karto argagixisannimo

0
360

Madaxa ururka qareennada dalka ee LSK ,Faith Odhiambo ayaa cambaareysay hadal uu maalmo ka hor jeediyay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Kipchumba Murkomen.
Waxaa uu wasiirka xusay in ciddii burburisa kaabayaasha dowladda sida saldhigyada booliiska ay argagixiso tahay oo laga qaadaya tallaabo adag oo sharciyeed.
Hasa ahaate , Faith Odhiambo oo xalay u warramaysay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa hoosta ka xarriiqday in sharci ahaan ay keliya maxakamadaha caddeyn karaan in qofka uu argagixiso yahay iyo in kale oo taasi aynan ahayn mowqif ay qaadan karaan saraakiisha dowladda.
Waxay dhanka kale caddeysay in ururka garyaqaannada waddanka ee (LSK) uunan ka bixin kiiska Ndiang’ui Kinyagia oo ka mid ah dadka wax ku qoro baraha intarneetka.