Madaxa adeegga dadweynaha oo berri guddoomin doono shir muhiim ah

0
408

Madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada dalka ahna madaxa adeegga dadweynaha Felix Koskei ayaa qaban qaabiyay inuu berri qabsoomo shir ku aaddan isbeddello degdeg ah.
Kulanka oo uu Koskei guddoomin doono ayaa dhacaya laga billaabo 7-da subaxnimo ilaa 10-ka barqannimo ee 30-ka bishan Toddobaad ee July.
Wareegto ka soo baxday madaxtooyada qaranka ee State House ayaa lagu sheegay in isku imaatinkan uu yahay mid lagu dardargelinaya waxqabadka , isla xisaabtanka iyo waxtarnimada dhammaan waaxyaha adegga dadweynaha .
Waxaa shirka ka soo qayb geli doono xoghayeyaasha wasaaradaha dowladda dhexe, madaxda fulinta ee shirkadaha dowliga ah iyo saraakiil muhiim ah sida madaxda maaliyadda, hanti dhowrka, sharciga, shaqaaleysiinta iyo qandaraasyada.
Kulanka ayaa looga hadli doonaa caqabadaha dhinaca nidaamka ee saameynaya bixinta adeegyada shacabka.