Jubbaland oo dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay weerarrada Beledxaawo iyo Doolow

0
662

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxaa uu si adag uga hadlay weerarro ka dhacay degmada Beledxaawo iyo deegaanka Doolow ee gobolka Gedo.
Jubbaland ayaa eedda dusha ka saartay Villa Somalia, gaar ahaan Madaxweynaha Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku andacoonaysa in uu abaabulay weerarro lagu wiiqayo xasilloonida Jubbaland.
Jubbaland waxay sheegtay in ciidamo federaal ah oo ku sugan xerada UK ee duleedka Beledxaawo ay dhowr jeer weerarro ku qaadeen magaalada, iyadoo la adeegsanayo diyaarado dagaal iyo hub culus, taas oo sababtay barakac, burbur hantiyadeed, iyo cabsi xooggan .
Maamulka ayaa tilmaamay in weerarradan ay yihiin qorshe siyaasadeed oo loogu dan leeyahay carqaladeynta Jubbaland.
Hasa ahaate, dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin eedeynta uga timid maamul goboleedka Jubbaland.