Midowga Afrika oo soo dhaweeyay Go’aanka Faransiiska ee Aqoonsiga Dowladda Falastiin

0
239

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika,Mahmoud Ali Youssouf, ayaa si diirran u soo dhaweeyay hadalka Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ku dhawaaqay inuu damacsan yahay inuu si rasmi ah u aqoonsado Dowladda Falastiin.
Waxaa uu sheegay in go’aanka Faransiiska uu yahay mid waafaqsan mowqifka taariikhiga ah ee Midowga Afrika, oo mar kale lagu adkeeyay intii lagu jiray Kalfadhigii 38-aad ee Golaha Midowga Afrika ee qabsoomay 15–16 February 2025, magaalada Addis Ababa.
Fadhigaasi ayaa lagu muujiyay sida ay Afrika uga go’an tahay xaqa aan laga laaban karin ee dadka Falastiiniyiinta u leeyihiin ismaamul iyo dowladnimo madax-bannaan.
Guddoomiye Maxamuud Cali Youssouf wuxuu ku tilmaamay tallaabadan mid muhiim ah oo dhanka xalka waara, oo dhameystiran ee khilaafka Falastiin iyo Israa’iil, iyadoo la raacayo shuruucda caalamiga ah iyo qaraarrada ay soo saartay Qaramada Midoobay.
Sidoo kale, wuxuu mar kale xusay in Midowga Afrika ay si buuxda u taageersan tahay aragtida labo-dowladood oo Israa’iil iyo Falastiin ay si nabad ah iyo amni ugu wada noolaadaan.
Wuxuu ugu baaqay dalalka kale inay qaataan go’aanno la mid ah kan madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron si loo garab istaago rabitaanka sharciga ah ee shacabka Falastiin.