Wararka ayaa sheegaya in Hoggaanka Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay Guddoomiyaha Aqalka Sare ku qanciyay inuu ka qeyb galo munaasabadda saxiixa heshiiska doorashada.
Kulan ay Hooygiisa kula yeeesheen Hoggaanka Midowga Musharixiinta Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa loo sheegay in wixii tabasho ah ee kale la xalin doono balse uu goob jog ka noqdo goobta uu Saxiixu ka dhacayo sidaasna u uku taga halka uu saxiixa heshiiska Doorashadu ka dhacayo oo ah Xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Afisyooni.
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyrre, Cabdikariin Guuleed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo soo hogaamiyay Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka iyo masuuliyiin kale ayaa goob-joog ka ahayd kulankaas Gudoomiyaha aqalka Sare lagu Qancinayay.
Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi lagu qanciyay qaadashada 5-ta xubnood ee laga siiyey guddiga farsamada ee loo xilsaarayo xallinta arinta xildhibaanada gobolada woqoooyi ee uu diidan yahay.
Munaasabad lagu soo xirayo shirka wadatashiga doorashooyinka ayaa ka socota Xaruntii Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Afisiyooni, iyadoo halkaas ay isugu imaanayaa Saxiixeyaasha Shirka Doorashada oo kala ah Ra’isulwasaaraha Xukuumada Shanta madaxweyne Maamul goboleedyada iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Sidoo kale Madasha Saxiixa waxaa ku sugan Madaxweynaha Jamhuuriyada Maxamed C/laahi Farmaajo,Midowga Musharaxiinta,Ururada Bulshada Rayidka,Xubno Beesha Caalamka Matalayo iyo Masuuliyiin kale oo ka socda Goleyaasha Dowlada kuwasoo dhamaantooda Khudbado ka jeedin doona Xiritaanka Shirk aiyo Saxiixa Heshiiska.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi maxamed Farmaajo ayaa Khudbada dhinacyo kala duwan taabanaysa lagu wadaa inuu Munaasabad ka jeediyo sidoo kalena uu shirka soo Xiro.
Dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa kadib marka ay dhinacyadu heshiiskaan Saxiixaan in ugu danbayn mudo sadex Bilood gudahood ah ay doorasho ka dhacdo taasoo Meesha ka saaraysa Murankii Hareeyay hanaan Socodka doorashada bilooyinkii la soo dhaafay.
Munaasabad Heshiiska Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Maanta lagu Saxiixayo ayaa kulmisay Madax Dowlada dhexe Maamul gobleedyada iyo Mucaaradka ka Tirsanaa kuwaasoo in muda ah kala maqnaa kadib Markii si aad ah ay qodobo doorashada la xiriira ugu kala fogaadeen balse maanta ayaa lagu wadaa in khilaafkii doorashada ee Bilooyinkii ugu danbayay ka taagnaa.
Qaar ka mid ah masuuliyiinta Madasha ka qaybgalaya ayaa warbahainta la wadaagay Dareenkooda kua adan in dalku doorasho aado.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Gudoomiyaha aqalka Sare oo lagu Qaciyay ka qayb galka Saxiixa shirka doorashada