Maareeyaha Miisaaniyadda oo joojisay lacagaha la siiyo degmooyinka

0
463

Maareeyaha miisaaniyada Qaran Margaret Nyakang’o ayaa hakisay sii deynta lacagaha loogu talagalay barnaamijyada baasariga, amaahda, iyo xaaladaha degdega ah ee dowlad goboleedyada, taasoo halis gelisay adeegyada ay ka faa’iideystaan kumanaan qof oo deggan deegaanadaas.
Warbixinteedii ugu dambeysay ee Dhaqangelinta Miisaaniyadda ee sanad maaliyadeedka 2024/25, Nyakang’o ayaa shaaca ka qaaday in qaar ka mid ah ismaamullada ay sii wadeen in ay ku shaqeeyaan lacagaha dadweynaha kuwaas oo cimrigooda sharci uu dhamaaday iyada oo aan si sax ah ay u soo cusboonaysiin golayaasha degmada.
Lacagaha la saameeyay ayaa waxaa ka mid ah lacag-bixinno loogu talagalay ardayda baahan, barnaamijyada xoojinta haweenka iyo dhallinyarada, deynta baabuurta iyo guryaha ee wakiilada degmooyinka iyo shaqaalaha, lacagaha xakamaynta cabitaannada khamriga, iyo agabyada xaaladaha degdeg ah.
Xeerka 197(1)(i) ee Xeerka Maaraynta Maaliyadda Dadweynaha (Dowladaha ismaamullada) ee 2015-ka, ayaa dejinaya cimri dhan 10-sano.
Iyadoo ay taasi jirto, ayaa Maamalaha waxaa ay ogaatay in gobola badan aysan qaadin tillaabooyin lagu cusboonaysiinayo cimriga lacagta, taasoo keentay walaac dhanka sharciga ah oo ku saabsan lacagaha socda.
Nyakang’o ayaa Dowlad deegaanka Bungoma, ka joojisay maalgelinta Sanduuqa Amaahda Ganacsiga, Qorshaha Taageerada Waxbarashada iyo Sanduuqa Dhallinyarada iyo Haweenka, kuwaas oo dhammaantood waqtigooda dhacay.
Ismaamulka Busia ayaa loo calaamadeeyay in uu ku shaqeeyo shan lacagood oo dhacay, oo ay ku jiraan sanduuqa horumarinta beeraha, sanduuqa ganacsiga iskaashatooyinka, iyo barnaamijka gunnada, kaas oo uu gobolka u qoondeeyay 219.80 milyan sanadkan, una dhiganta 2.4 boqolkiiba miisaaniyadeeda guud.
Gudaha Elgeyo Marakwet, Sanduuqa Waxbarashada, Sanduuqa Deymaha Baabuurka iyo Amaahda Guryaha ee Wakiilada Degmooyinka, iyo Sanduuqa Amaahda Gaariga iyo Amaahda guryaha ee shaqaalaha ayaa la ogaaday in ay dhaafeen waqtigoodii la ansixiyay oo tan iyo markaas laga jaray maalgelinta.
Dhanka kale sanduuqa taageerada dhallinyarada ee Embu iyo sanduuqyada baasariga iyo xaaladaha deg dega ee ismaamulka Gaarisa ayaa sidoo kale lagu tilmaamay kuwa aan hadda u qalmin taageerada.
Ismaamullada Kajiado iyo Kakamega ayaa dhankooda aan cusboonaysin sanduuqyada maareynta cabitaanada khamriga.
Degmada Kisii ayaa waxaa la ogaaday in afar sanduuq ay dhaafeen waqtigii loogu tala galay kuwaas oo kala ah Sanduuqa Caafimaadka, Sanduuqa Waxbarashada iyo laba dayn baabuur iyo qorshayaal guri oo loogu talagalay MCA-yada iyo shaqaalaha.
Nyakang’o ayaa dhanka kale uga digtay ismaamulka Homa Bay in Sanduuqa Bursary-ka iyo Sanduuqa Xakamaynta Cabbitaannada Khamriga uu dhacayo 31-ka December ee sanadkan oo ay tahay in si degdeg ah loo cusboonaysiiyo si looga fogaado carqaladaynta.
Warbixinta maamalaha ayaa waxaa ay dhalisay su’aalo ku saabsan guul darrooyinka kooxaha sharciga iyo golayaasha degmada si ay ula socdaan oo ay u cusboonaysiiyaan heerka sharci ee barnaamijyadan muhiimka ah, sida uu dhigayo Qaybta 116 ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Dadweynaha, 2012-ka.