Deegaanka Jomvu ee Mombasa oo lagu qabtay xashiish

0
278

Saraakiisha waaxda la dagaallanka daroogada ee ismaamulka Mombasa ayaa deegaanka Jomvu ku qabtay nin ku eedeysan ka ganacsiga maandooriyaha .
Michael Chacha ayaa lagu helay 40 xirmo oo xashiish ah iyo lacagta dalka Tanzania oo dhan 5, 035, 000 shilin.
Ciidamada ayaa qabtay gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda oo ay taargadiisu tahay KDK 208D oo lagu siday daroogada iyo lacagta.
Saraakiisha oo baaritaan dheeraad ah sameeyay ayaa arkay saddex boorso oo uu leeyahay tuhmanaha oo 54 sano jir ah.
Waxay intaasi ku darteen in ay sidoo kale heleen lacagta dalka oo dhan 4,960 oo shilin.
Eedeysanaha ayaa la geeyay saldhigga booliiska ee Port Police Station wuxuuna maraya baaritaannada dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda loo gudbin.