DHEGEYSO:Shacabka Nanyuki oo ku hanjabay inay sameyn doonaan bannaanbax ka dib haweeney ku geeriyootay gacanta booliiska

0
337

Qoyska Julia Njoki ayaa dalbanaya in gabadhooda cadaalad loo helo maadaama aysan ku qanacsanayn duruufaha ku xeeran dhimashadeeda kadib mudaaharaadyadii Saba Saba.
Sida laga soo xigtay qoyskeeda, Njoki ayaa waxaa ay ku sii jeedday gurigeeda fiidnimadii Isniinta iyadhoo saraakiisha amniga ay xireen ka dib na u ka xeyeen saldhigga booliiska ee Nanyuki halkaas oo ay habeenkii baridhay.
Dhammaan shakhsiyaadkii la xiray maalintii Isniinta ee Saba Saba ayaa Talaadadii la soo taagay Maxkamadda sharciga ee Nanyuki iyagoo lagu sii daayay dhamaanad lacageed oo dhan 50,000 oo shillin balse nasiib xumo Julia ayaa dhamaanada iska bixini waysay iyadhoo loo diray xabsiga dowladda ee Nanyuki.
Gabartan oo 24 sano jir eh ayaa maalintii Arbacada loo qaaday isbitaalka guud ee Nanyuki.
Warbixin caafimaad oo horudhac ah oo ay heleen qoyska ayaa waxaa ay muujisay in Njoki uu dhaawac ba’an ka soo gaaray madaxa, taasoo ay la socoto garaacid daran.
Baaritaanka dhimashada ka dib ayaa la filayaa in la sameeyo Talaadada soo socota si loo xaqiijiyo sababta dhimashada.
Dhacdadan ayaa dhalisay cambaareyn ballaaran, iyadoo kooxaha xuquuqda aadanaha iyo xubno ka tirsan dadweynaha ay ku baaqeen in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo dhimashada Njoki iyo dib u habeynta nidaamka ee gudaha Adeegga Qaran ee Booliiska.
Thomas Gachara, oo ahaa arday fasalka saddexaad ee dugsiga sare ee ee Bingwa ee Nanyuki, ayaa sidoo kale naftiisa ku waayay toogasho lagu dilay isagoo ka soo baxay iskuulka.
Njoki iyo Gachara ayaa la sheegay in ay ku dhinteen laba dhacdo oo kala duwan kuwaas oo labaduba tilmaamaya taxadar la’aanta booliiska.
Waxaa sidoo kale isbitaalka guud ee Nanyuki dhaawacyo rasaas u jiifaa labo kale oo dhallinyaro ah oo lagu kala magacaabo Felix Karani iyo Felix Thuranira, iyagoo dhaawac ka soo gaaray lugaha.
Dadka deegaanka ayaa ballan qaaday in Taladada ay sameyn doonaan bannaanbax hadii cadaalad loo heli waayo labada qof ee la dilay.