Maraga oo ku baaqay in xilka laga qaado Ruto sababo la xiriira “xadgudubyo weyn oo dastuuri ah”

0
433

Madaxii hore ee cadaalada dalka David Maraga ayaa ugu baaqay dadka Kenyaanka ah inay bilaabaan hannaan la doonayo in lagula xisaabtamo madaxweyne William Ruto oo uu ku tilmaamay inuu ku xadgudubay dastuurka.
Bayaan uu soo saaray ayuu Maraga waxaa uu ku nuuxnuux saday in dalka uu ka fiirsado curinta dacwadaha xilka looga xayuubinayo Madaxweynaha, isagoo sabab uga dhigay inay sii kordhayaan niyad jabka shacabka iyo waxaa uu ku tilmaamay burbur ku yimid maamulka dastuuriga ah.
Inkastoo Maraga uusan shaacin qaabka gaarka ah ee loo adeegsan karo in madaxweynaha xilka laga xayuubiyo, hadana waxaa uu ku booriyay dhallinyarada dalka ee hormuudka ka ah mudaaharaadyadii ugu dambeeyay, inay go’aan ka gaaraan qaabka ugu haboon ee loo qaadi karo.
Maraga ayaa kula dar daarmay madaxda in ay si dhab ah u qaataan tabashada dhallinyarada, isagoo xusay in ay dhabarka u riteen dadaallada lagu xaqiijinayo dowlad wanaagga iyo isla xisaabtanka.
Waxaa kale oo uu iftiimiyay in inkasta oo dastuurka uu ka ilaalinayo Madaxweynaha xilka hayo in dacwad lagu soo oogo, haddana Baarlamaanka uu haysto awoodda xil ka qaadista.
Maraga ayaa soo bandhigay qorshe afar qodob ka kooban oo lagu soo celinayo nidaamka dastuuriga ah, iyadoo xoogga la saarayo qiimeyn ballaaran oo lagu sameeyo golaha shacabka iyo hay’adaha kale ee dowladda.
Waxaa uu ku dooday in la xisaabtanka uu dhaafsiisan yahay madaxtooyada oo la gaarsiiyo hay’adaha kale ee dowladda, oo ay ku jiraan Adeegga Qaran ee Booliiska (NPS), Waaxda Dambi Baarista dalka ee (DCI), Taliyaha Guud ee Booliiska, Hay’adda Madax bannaan ee Kormeerka ku sameysa howlaha Booliiska ee (IPOA), iyo Baarlamaanka Qaranka.
Isagoo cambaareeyay rabshadihii dhawaan dhacay iyo dilkii loo geystay dibadbaxayaasha, Maraga ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay nafaha ku dhintay, isagoo ku tilmaamay dilka mid aan la aqbali karin.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ku eedeeyay maamulka Ruto in ay ciidamada booliiska iyo kuwa milateriga ay u adeegsadaan muwaadiniin aan hubeysneyn, isaga oo arrintaasi ku tilmaamay mid lagu qiyaamay kalsoonida shacabka, isla markaana uu meesha ka saaray waajibaadkii madaxweynaha.