Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Aqalka Cad kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu markii labaad muddo 24 saac gudahood ah si ay uga wadahadlaan heshiis xabbad-joojin ah oo laga gaaro Qaza.
Wadahadalladan oo dhacay fiidnimadii Talaadada oo aan hore loo sii qorshayn ayaa socday muddo saacad ka badan, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay dowladda Israa’iil, waxaana ay ku soo beegantay iyadoo ciidamada Israa’iil ay ugu yaraan 95 qof oo Falastiiniyiin ah ku dileen Qaza.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ku kulmay saacado badan intii lagu jiray casho ka dhacday Aqalka Cad Isniintii, booqashadii saddexaad ee Netanyahu uu ku tagay Mareykanka tan iyo markii madaxweyne dib loogu doortay hoggaaminta Mareykanka.
Kahor wadahadalka Talaadada, Trump ayaa waxaa uu sheegay inuu Netanyahu kala hadli doono arrimaha Qaza oo kaliya.
Wax yar ka hor inta uusan Trump la kulmin Netanyahu, ergaygiisa gaarka ah ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa soo jeediyay in heshiis xabbad-joojin ah oo Qaza laga gaaro uu dhow yahay, waxaa uuna sheegay in xukuumadda Washington ay rajaynayso in heshiis la dhammeeyo dhammaadka toddobaadka.