Ku xigeenka taliyaha guud ee booliska dalka Gilbert Masengeli ayaa caddeeyay in aysan jirin cid laga hor istaagay in ay gasho xarunta dhexe ee ganacsiga ee Nairobi (CBD).
Intii uu kormeerayay bartamaha caasimada dalka ee CBD-da oo ay weheliyaan saraakiil sare oo booliis ah, Masengeli waxa uu ku booriyay Kenyaanka in ay wataan hawlahooda caadiga ah, isaga oo shacabka u xaqiijiyay in ammaanka la xakameeyay ka hor mudaharaadka Saba Saba ee la qorsheeyay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray hoos u dhac ku yimid dhaqdhaqaaqa gudaha CBD iyadoo booliisku ay xoojiyeen amniga si ay u ilaaliyaan meheradaha oo ay uga hortagaan rabshado, burbur hanti, ama carqaladayn iman karta.
Dibadbaxyadii ugu dambeeyay ee dalka ka qabsoomay ayaa Booliska lagu eedeeyay in aysan waxba ka qaban hanti badan oo lagu dhacay bartamaha magaala madaxda dalka ee Nairobi.