Villareal oo ku guuleystay koobka Europa League

0
448

Villarreal ayaa ku guuleysatay koobka Europa League kaddib markii ay rigoorayaal 11 iyo 10 leysla gaaray ay ku garaaceen kooxda Man United, kulankii kama dambeysta ahaa ee tartankan.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda reer Spain ee Villarreal.
Daqiiqadii 29-aad kooxda Villarreal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Gerard Moreno, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Daniel Parejo.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
55 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Manchester United ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Edinson Cavani.
90-ka daqiiqo ee loogu talagalay ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay bar-bardhac 1-1 ah ay isku mari waayeen labada kooxood Villarreal iyo Manchester United, waxaana lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah, maadaama kulanka uu ahaa kama dambeysta Koobka Europa League.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay rigoorayaal 11-10 oo ay kaga adkaatay Villarreal kooxda Manchester United, taasoo ka dhigtay in kooxda reer Spain ay ku guuleysatay ugu dambeyntii Koobka Europa League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here