Dab ka kacay dugsiga sare ee gabdhaha Embakasi ee xaafada Mukuru

0
218

Mid ka mid ah guryaha ay ardeyda seexdaan ee dugsiga sare ee gabdhaha Embakasi oo ku yaalla xaafada Mukuru ee magaalada Nairobi, ayaa dab qabsaday subaxnimadii hore ee saaka, taasoo keentay in dab damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ay si degdeg ah uga jawaabaan.
Warbixin ay soo saartay Hay’adda Laanqayrta Cas laanteeda Kenya ayaa xaqiijisay dhacdadan, iyadoo xustay in kooxaha gurmadka ah oo ay ku jiraan waaxda dab damiska Nairobi, Kooxda Laanqayrta Cas ee Kenya, iyo Kooxda Gurmadka Bulshada ee deegaanka la geeyay goobta si ay u xakameeyaan dabka.
Ilaa iyo hadda lama soo sheegin khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dhacdadaas mana cadda inta uu la egyahay khasaaraha hantiyeed.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dabkan.