JSC oo booliiska ugu baaqday inay ixtiramaan go’aamada maxkamadda

0
236

Guddiga Adeegga Garsoorka (JSC) ayaa si kulul u cambaareeyay wax ay ku tilmaameen awood xad dhaaf ah oo ay ciidamada booliiska u adeegsadeen dib u soo qabashada siyaasiga dhallinyarada ah ee Peter Kinyanjui, oo loo yaqaan Kawanjiru xilli uu ku sugnaa Maxkamadda Sharciga ee Ruiru.
Guddiga ayaa sheegay in falalkaasi ay wax u dhimayaan sharafta iyo awooda Garsoorka.
JSC ayaa bayaan ay soo saartay Sabtidii waxaa ay ku muujisay “walaac qoto dheer” oo ku saabsan dhacdadii Jimcaha, oo dhacday wax yar ka dib markii Kawanjiru lagu sii daayay dammaanad.
Guddiga ayaa waxaa uu xusay in inkasta oo booliiska dastuurka u igmaday inay sharciga ilaaliyaan oo ay soo qabtaan eedaysanayaasha, haddana hab dhaqankooda gudaha xarumaha maxkamadaha ay tahay inay ixtiraamaan karaamada hay’adaha garsoorka.
Dhacdadii jimcaha, dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in saraakiisha ay rasaas badan hawada u rideen iyaga oo dib u soo qabanaya Kawanjiru taas oo argagax ku abuurtay dadkii goobta joogay.
JSC ayaa ka digtay in falalka noocaan ah ay halis ku yihiin in ay meesha ka saaraan kalsoonida ay shacabka ku qabaan nidaamka cadaaladda, iyadoo hoosta ka xariiqday in eedeysanaha lagu sii daayay dammaanad ka dib markii uu soo martay nidaam maxkamadeed oo sharci ah.
Guddiga ayaa tilmaantay in aan loo baahneen rabshado mar hadii eedaysanayaasha aysan wax khatar ah ku haynin amaanka.
Kawanjiru, oo ah hoggaamiyaha dhalinyarada ee Xisbiga Democracy for Citizens Party (DCP) isla markaana xulafo la ah Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua, ayaa markii ugu horeysay loo xiray inuu xiriir la leeyahay dab qabadsiintii Maxkamadda Sharciga ee Kiambu intii lagu guda jiray mudaaharaadyadii 25-kii bishii June ee sanadkan.
Jimcihii ayaa lagu sii daayay dammaanada ka hor inta ay si lama filaan ah mar labaad u xirin saraakiisha booliiska ee la dagaalanka argagixisada.
Hoggaamiye kale oo ka tirsan dhallinyarada DCP oo lagu magacaabo Wanjiku Thiga, ayaa sidoo kale lagu xiray isla howlgalkaas.
Xariga labadan qof ayaa waxaa si weyn u dhaleeceeyay bulshada rayidka ah iyo khubarada dhanka sharciga ah, kuwaas oo sheegay in dowladda ay sii kordhisay adeegsiga xeelado culculus si loo aamusiyo dadka mucaaradka ku ah xukuumadda William Ruto.