Tirada dhimashada ee daadkii Texas oo sare u kacday

0
235

Ugu yaraan 43 qof, oo ay ku jiraan 15 carruur ah, ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen daadad ku dhuftay bartamaha gobolka Texas ee Mareykanka sida ay sheegeen mas’uuliyiinta iyadoo kooxaxa samatabbixinta ay sii wadaan raadinta dadka la la’yahay.
Mas’uul ka tirsan maamulka Travis ayaa sheegay in afar qof ay ku dhinteen fatahaada halkaasi ka dhacday, iyadoo 13 aan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen, waxaana saraakiisha ay sheegeen in dhimasho kale ay ka dhacday maamulka Kendall.
Qaar ka mid ah wakaaladaha wararka maxalliga ah ayaa sheegay in dhimashadu ay ka badan tahay 52 qof balse wakaalada wararka ee Reuters ayaanan xaqiijin wararkaas.
Saraakiisha ayaa sheegay in in ka badan 850 qof la soo badbaadiyay ila iyo hadda.
Maamulaha magaalada Kerrville Dalton Rice ayaa shir jaraa’id ku sheegay fiidnimadii Sabtida in 27 gabdhood oo ka yimid xerada xagaaga ee Camp Mystic la soo badbaadiyay isagoo intaa ku daray in laga yaabo in kuwo kale wali la la’yahay.
Taliyaha booliiska magaalada Kerr Larry Leitha ayaa sheegay in 17 ka mid ah dadka dhintay oo ay ku jiraan shan caruur ah aan wali la aqoonsan.