DHEGEYSO:Kindiki oo mucaaradka uga digay siyaasada ka dhanka ah qabyaalada

0
224

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki iyo hoggaamiyayaasha kale ee taageeraya dowladda sal-ballaaran ayaa xoojiyey weerarada ka dhanka ah mucaaradka, iyagoo ku baaqay in loo midoobo si loo horumariyo qaranka.
Waxaa ay ka hadleen deegaanada Likoni iyo Jomvu intii lagu guda jiray golayaasha dhaqaalaha loogu uruurinayey ee xisbiga Kenya Kwanza, iyagoo u durbaan tumaya taageerada madaxweyne William Ruto iyadoo ay socoto dooda siyaasadeed ee hal mar iyo labada xilli.
Siyaasiyiinta Kenya Kwanza ayaa sabtidii bilaabay wareeg kale oo dadaallo lagu xoojinayo dhaqaalaha magaalada Mombasa, iyaga oo socdaal ku maraya deegaannada Likoni iyo Jomvu.
Ku xigeenka hoggaamiyaha qaranka Prof. Kithure Kindiki, gacan yaraha madaxweynaha Farouk Kibet, iyo afhayeenka baarlamaanka qaranka Moses Wetang’ula ayaa weerar afka ah ku qaaday mucaaradka, iyaga oo ku andacoonaya in ay kor u qaadayaan siyaasado isdiidan iyo qabyaalad.
Hoggaamiyayaasha ayaa ku eedeeyay mucaaradka inay u adeegsadaan lacagaha la bililiqeysto si ay u maalgaliyaan fowdada dalka ka jirta.
Kooxda ayaa sidoo kale sii waday weeraradii ay ku hayeen madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua, iyaga oo ku eedeeyay in uu ku guuldareystay in uu mideeyo dalka intii uu xilka hayay.
Gelinkii dambe ee shalay ayuu madaxweyne ku xigeenka waxa auu kormeer ku tagay deegaanka Waqooyiga Mbeere ee ismaamulka Embu, isaga oo soo kormeeray mashaariic horumarineed oo muhiim ah kuwaas oo uu sheegay in ay daah furayaan fursadaha dhaqaale ee ka jira ismaamulka.