Maxkamadda sare ee dalka laanteeda magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa lagu wadaa in ay berri oo Jimco ah xukun ku riddo Evans Juma Wanjala oo qirtay inuu gaystay dilal kala duwan.
Waxaa lala xiriiriyay dilka shan carruur ah oo da’doodu u dhaxaysay 10 ilaa 15 sano oo ka dhacay dowlad deegaanka Uasin Gishu.
Garsoore Reuben Nyakundi ayaa Wanjala ku helay dembiga dilka foosha xun ee carruurtaasi loo gaystay.
Waxaa uu xaakinka amray in dambiilaha dib loogu celiyo xabsiga dhexe ee Eldoret ilaa maalinta xukunka.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in maxkamadda la horgeeyay intii lagu guda jiray dhageysiga dacwadda.
Waxay intaasi ku dartay inuu si la yaab leh uga sheekeeyay sida arxaan darrada ah ee uu uga takhalusay ubadkaasi.
Wanjala ayaa sheegay inuu faraxumeeyay mid ka mid ah carruurta oo lagu magacaabayay Stacy Nabiso ka hor inta uunan ceejin.
Waxaa maxkamadda lala wadaagay in Wanjala uu wajahaya saddex kiis oo kale oo aan weli la soo gabagabeyn kuwaasoo la xiriira tacaddi galmo.