Waxaa dalka Syria ka socoto doorasho ay dadweynaha ugu codeynayaan madaxweyne cusub.
Codeynta ayaa la filayaa inuu ku soo baxo madaxweyne Bashar Al-Assad oo doonaya in markii afaraad uu wadankaasi hoggaamiyo.
Sanadkii 2014-kii ayay ahayd markii Bashar Al-assad uu helay ku dhawaad boqolkiiba 89 ee codadkii la dhiibtay.
Waxaa madaxweynaha haya talada Syria hoggaanka kula tartamaya musharaxiin matalaya mucaaradka oo kala ah Cabdullah Salloum , wasiiru dowlihii hore ee arrimaha baarlamaanka iyo Maxamuud Axmad Marei oo madax ka ah xisbiga National Democratic Front.
48 musharaxiin kale ayaa soo dirsaday codsiyo ku aaddan in ay tartanka madaxtinimo ee Syria ay ka qayb galayaan balse lagama oggolaan.
Madaxweyne Bashar Al-Assad ayaa codkiisa ka dhiibtay degmada Douma oo u dhow caasimadda dalkaasi ee Dimishiq.
Doorashadan ayaa ah midii labaad ee Syria ka dhacaysa tan iyo markii uu billowday dagaalka jiray tobankii sano ee ugu dambeeyay oo ay ku dhinteen in ka badan 388,000 qof halka kala bar tirada dadweynaha dalkaasi ay guriyahooda ka barakaceen.
Wararka ayaa intaa ku daraya in saddex meelood labo meel deegaanada Syria lagu faafiyay qoraalo lagu taageeraya Bashar Al-Assad.
Shacabka ayaa codkooda ka dhiibanaya in ka badan 12,000 oo ah goobaha codbixinta.
Doorashada oo billaabatay 7-dii aroornimo ee saacadda dalkaasi ayaa socon doonto ilaa 7-da fiidnimo waxaana la filayaa in natiijada lagu dhawaaqo Jimcada.