Afar qof oo dhintay halka afarna la la’yahay ka dib markii doon ay ku degtay gacanka Suweys

0
456

Doon shidaal qodis ah ayaa ku degtay gacanka Suweys,halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan afar ka mid ah shaqaalihii doonta,halka 4 kalena aan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen.
Dowladda Masar ayaa Arbacada maanta ah sheegtay in 22 qof ay ku dhaawacmeen ka dib markii markabka Adam Marine 12 uu ku degay habeen hore deegaanka Gebel el-Zeit ee gacanka Suweys.
Doontan ayaa markii ay rogmatay loo waday goob cusub, sida ay ku warrantay warbaahinta Masar.
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Masar oo ay weheliyaan Wasiirka Shaqada Maxamad Jibran iyo Guddoomiyaha Badda Cas Amr Xanafi ayaa booqday dadkii daawaca ka soo gaaray shilka.
Xanafi ayaa sheegay in maraakiib ka tirsan ciidamada badda Masar ay ku biireen dadaallada baadi goobka iyo badbaadinta shaqaalaha la la’yahay.
Gebel el-Zeit ayaa ah goob weyn oo saliida Masar laga soo saaro oo qiyaastii 300 kiiloo mitir (186 mayl) koonfur ka xigta kanaalka Suweys.