Dhacdo naxdin leh oo ka dhacday Saldhigga Booliiska Ng’iya ee ismaamulka Siaya subaxnimadii hore ee Axada ayaa sababtay dhimashada laba askari oo booliis ah, taasi oo ay mas’uuliyiinta uga shakisan yihiin in ay ka dhalatay muran shaqsi ah ama dhibaato caafimaad oo dhanka maskaxda ah.
Dhacdadan ayaa dhacday abaare 6:00 subaxnimo markii la sheegay in Dable Martin Mwendwa uu toogasho ku dilay Laba alifle Chesise, kaasoo ahaa sarkaalka maamulo saldhigga.
Sida laga soo xigtay booliiska, Mwendwa oo wato qori nooca G3 weerar gaadmo ah ku qaaday Chesise oo ku suggan guriga uu ka degganaa saldhigga halkaas oo uu rasaas kaga duftey xabadka iyo gacmaha.
Isaga oo xaqiijinaya dhacdadan, Taliyaha booliiska ee deegaanka Gem Yala Charles Wafula ayaa sheegay in saraakiisha saldhigga ay si deg deg ah uga jawaabeen ka dib markii la maqlay rasaastii ugu horeysay.
Dable Mwendwa ayaa waxaa uu isku dayay in uu u baxsado dhanka Dugsiga Sare ee Gabdhaha ee Ng’iya, balse waxaa dhexda u galay oo si xun u toogtay askar kale intii uu iska horimaadku socday.
Iyadoo baaritaanada hordhaca ah ay tilmaamayaan suurtagalnimada khilaaf shakhsi ah oo u dhexeeya labada sarkaal, booliiska ayaa waxaa ay sidoo kale baarayaan suurtogalnimada in Mwendwa laga yaabo in uu ku dhacay xaalad caafimaadka maskaxda ah xilliga uu weerarka geestay. Meydadka labada sarkaal ayaa loo qaaday goobta meydadka lagu keydiyo ee ismaamulka Siaya si baaritaan loogu sameeyo dhimashada ka dib iyadoo ay socdaan baaritaano ku aadan xaaladihii ka dhashay iska horimaadka dhimashada sababay.