Dab ka kacay suuqa marikiti ee Kisii oo khasaaro badan geestay

0
393

Hanti aan qiimaheeda la garanayn ayaa ku burburtay ka dib dab qabsaday Suuqa Marikiti ee Kisii subaxnimadii Axadda.
Dabka oo kacay wax yar ka dib 2-dii subaxnimo ayaa waxa uu burburiyay dukaamadii ku yaalay bartamaha xaruunta dhexe ee ganacsiga ee magaalada Kisii (CBD).
Isku daygii ay dadka deegaanka ku doonayeen in ay ku damiyaan dabka ayaa noqday mid aan faa’iido lahayn, iyadoo dadaallo lagu doonayay in lagu damiyo dabka oo loo adeegsaday baaldiyada biyaha aysan wax miro ah dhalin. Waxaa xaaladda uga sii daray dhismaha suuqa oo u badnaa dhismayaal aluminium ah oo si degdeg ah u qabsaday dabkana sii fidiyay.
Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah iyo ganacsato, dadaallo lagu doonayay in gurmad laga helo kooxaha gurmadka deg-degga ah ee maamulka gobolka ayaa noqday kuwa guul-darreystay, iyadoo aysan jirin gaadiid dab-damis ah oo u yimid waqtigii loogu talagalay inay xakameeyaan dabka.
Goob joogayaasha ayaa sidoo kale dhaleeceeyay wax ka qabashada dab damiska, inkastoo xarunta dabdamiska ee ismaamulka Kisii ay dhowr mitir u jirto goobta.
Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa ku andacoonaya in dhulka uu ku fadhiyo suuqaasi ay ka socotay dacwad maxkamadeed, iyadoo dhawaan go’aan ka soo baxay maxkamadda lagu sheegay inuu yahay hanti gaar ah. Waxaa ay qiyaaseen in dabku uu ahaa mid ula kac ah, inkastoo aan si madaxbanaan loo xaqiijin karin sheegashada.
Dhanka kale ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka dowlad goboleedka Kisii oo ku aadan dhacdada iyo eedeymaha ka dhashay dabkan.
Sidoo kale, dabkan ayaan la ogeyn sababta ka dambeysay, iyadoo xitaa ganacsatada ay dalbadeen in baaritaan lagu sameeyo dhacdadan oo ka careysiisay dadka deegaanka.