DHEGEYSO:Biyo galin loo sameeyay magaalada Masalani ee ismaamulka Garissa

0
419

In ka badan 2,300 oo qoys oo ku nool magaalada Masalani oo ka tirsan deegaan baarlamaaneedka Ijara ee ismaamulka Garissa ayaa lagu wadaa in ay ka faa’iidaystaan biyo galin aan kala go’ lahayn ka dib markii la bilaabay mashruuca biyaha ee Masalani.
Mashruucan oo ay fulisay Hay’adda Qaranka ee Maareynta Abaaraha ayaa waxaa ku baxday lacag dhan 20.3 milyan oo shilinka dalka ah, waxaana mashruucan ka mid ahaa, dhismaha dhuumo dhererkiisu dhan yahay 4.4 KM, rakibaadda haanta biyaha ee birta ah oo dhan 120,000 oo litir, iyo dhismaha goob biyaha lagu iibiyo.