Shil gaari oo ka dhacay gobolka Hiiraan

0
532

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan inuu Maanta halkaas ka dhacay Shilka Gaari oo khasaare uu ka dhashay.
Shilkaan ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Sagaalka geed oo ka tirsan Gobalka Hiiraan sida ay Masuuliyiinta Deegaanku Warbaahinta Gudaha u sheegeen.
Shilkaan ayaa u dhexeeyay labo Gaari oo isku dhacay, waxaana ka dhashay dhaawaca lix Ruux iyo burburka labadii Gaari ee isku dhacay.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in dadka ku dhaawacmay Shilka la geeyay isbitaalka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, si halkaasi loogu daaweeyo.
Kadib markii uu shilku dhacay Bulshada ku nool degaanka Sagaalka Geed ee Gobolka Hiiraan ayaa gurmad ballaaran u sameeyeen dadka Shilka ku dhaawacmay, iyadoo labada Gaari ee shilka galay Goobta laga qaaday.