Nin meydkiisa la helay saacado kadib markii ay xireen Booliska Nyandarua

0
194

Nin 44 sano jir ah ayaa dhintay isagoo ku jira gacanta booliska ee saldhiga Turasha waaxda Githioro Ward, ee deegaan baarlamaaneedka Kipipiri, ismaamulka Nyandarua.
Sida lagu sheegay warbixinta booliska, Simon Thumbi Kihanya, oo sidoo kale loo yaqaan Rûîgì, ayaa la xiray subaxnimadii Isniinta ka dib markii lagu eedeeyay inuu is-hortaag ku sameeyay saraakiisha booliiska isagoo sakhraansan.
Waxaa loo qaaday xabsiga 10:30AM barqanimo balse wax ka yar laba saacadood ayaa meydkiisa la helay.
Booliisku waxay sheegeen, intii u dhaxaysay 11:36AM iyo 12:49PM ee duhurnimo, in askariga shaqada ku jiray uu ogaaday in Thumbi uu isku dilay gudaha qolka booliska isaga oo is-daldalay waxaa uuna isticmaalay shaarkiisa sida ay boolisku sheegeen.
Inkastoo si rasmi ah loo xaqiijiyay dhacdadan, ayaa waxay dhalisay walaac dadweyne, waxaana lagu baaqay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo.
Gudoomiyaha ammaanka ku matalo ismaamulka Nyandarua Abdirisack Jaldesa ayaa xaqiijiyay in baaritaanada ay socdaan waxa uuna shacabka ugu baaqay in ay is dajiyaan.