Weerarada Israel oo lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsan ciidamada kacaanka ee bartamaha Iran

0
184

Ugu yaraan 10 xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa lagu dilay duqeymo ay Israa’iil ka geysatay gobolka Yazd, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Tasnim.
Tiro aan la cayimin oo ka tirsan ciidamada IRGC ayaa sidoo kale lagu dhaawacay weerarrada.
Israa’iil ayaa sheegtay in labaataneeyo taliyeyaasha ciidamada Iran iyo saynis yahano dhanka Nukliyeerka ah la dilay tan iyo markii ay qaaday weerarkeeda lama filaanka ah 13-kii bishan June.