Haweeneey loo xiray dil ka dhacay Nakuru

0
143

Haweeney 17 jir ah ayaa loo xiray dilka gabar 3 jir ah oo lagu dilay Nakuru.
Sida laga soo xigtay DCI, Lizz Njeri Mwangi waa tuhmanaha ugu weyn ee looga shakisan yahay dilkii foosha xumaa ee Margaret Wanjiru Kirathe.
DCI waxay sheegtay in shilkan uu ka dhacay meel 50 mitir u jirta PCEA Shalom Mchanganyiko Church oo ku taal deegaanka Menengai ee Nakuru.
Gabadha oo miyir daboolan ayaa markii dambe la sheegay in ay ku geeriyootay Isbitaalka Kenlands.
Baaritaano horudhac ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in haweeneyda Eedeysanaha ah laga soo qabtay Tuulladda Judea, ee Degmadda Kiamaina.
Gaabdha ayay ka kaxaysatay kaniisadd ay ku sugneed ,iyadoona ay ku ceejisay maro.
Ciidamada dambi baarista ee dalka ayaa sheegtay in soo qabashada haweeneydaas ay u fududeysay ka dib markii laga dhex arkay muuqaalka ay duubto kameerada qarsoon ee CCTV-da.