Wakiilka degmada Nyandarua oo shil baabuur ku geeriyootay

0
210

Beth Wahito oo ah wakiil la magacaabay oo ka tirsan barlamaanka dowlad deegaanka Nyandarua ayaa dhimatay ka dib markii ay gashay shil baabuur oo ka dhacay waddada isku xirta Nairobi iyo Nakuru habeenimadii xalay.
Sida ay wararka sheegayaan qofka geeriyooday ayaa ku sii jeeday gurigeeda abaare 11:00 habeenimo marka uu shilka dhacay iyadhoo ka soo baxday shirka guddiga miisaaniyada Nyandarua oo ka dhacay Naivasha.
Isagoo la hadlayay Telefishinka maxalliga ee Citizen, afhayeenka baarlamaanka ismaamulka Nyandarua Stephen Wachira Waiganjo ayaa sheegay in baabuurka Beth oo isku dayayso inay waddada soo gasho uu jiiray bas ay leedahay shirkadda Guardian Angel.
Wahito ayaa ahayd siyaasi ruug-caddaa ah oo ku nool degmada Nyandarua iyada oo shaqadeeda siyaasadeed ay socotay in ka badan soddon sano.
Waxaa ay xilal hoggaamineed ka soo qabatay xisbiga Dimuqraadiga, iyadhoo sidoo kale soo noqotay guddoomiyaha xisbiga NARC-Kenya ee Nyandarua iyo inay dhowaan noqotay isuduwaha deegaanka Kinangop ee xisbiga tallada dalka hayo ee United Democratic Alliance (UDA).