Senetarada haweenka ah oo hogaaminaya olole ka dhan ah GBV-ga ee gudaha Mandheera

0
146

Senatarrada haweenka ah ee dalka ayaa magaalada Mandheera ka bilaabay olole wacyigelin ah oo gobolka oo dhan ah si kor loogu qaado caddaaladda iyo ilaalinta xuquuqda haweenka iyo gabdhaha, ka dib markii sanadkii la soo daafay ismaamulka laga diiwaan geliyay in ka badan 400 oo kiis oo ah kiisaska xadgudubyada ku saleysan jinsiga (GBV).
Ololahan oo loogu magacdaray ‘Komesha Dhulma’ ayaa la doonayaa in kor loogu qaado wacyiga bulshada ee ku saabsan khatarta GBV-ga iyo in awood la siiyo dadkii ka badbaaday si ay u helaan cadaalad.
Waxaa olalahan hormuud ka ah Senatarrada la magacaabay ee Mariam Sheekh Cumar oo ka soo jeeda Mandheera, iyadoo kaashanaysa Ururka Haweenka Senetarrada Kenya ee KEWOSA iyo Hay’ado dhowr ah oo u dooda Xuquuqda Aadanaha.
Senator Mariam ayaa walaac xooggan ka muujisay kororka xooggan ee kiisaska GBV-ga ee gobolka, iyadoo ku baaqday tallaabo wadajir ah oo lagu joojinaayo dhaqanka aamusnaanta ee ku xeeran arrinta.
Waxaa ay ku celisay sida ay KEWOSA uga go’an tahay inay keento sharci adag iyo hababka ilaalinta haweenka iyo gabdhaha iyadoo ku boorisay hay’adaha iyo bulshada inay mowqif adag ka qaataan xadgudubyada.
Ku xigeenka guddoomiyaha ammaanka dowladda dhexe ku matalo deegaanka Bariga Mandheera, Solomon Cheboton, oo ka qayb galay munaasabadda daahfurka, ayaa ku nuuxnuuxsaday dareenka senator-ka, waxaa uuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in dadkii ka badabaaday ay heelaan cadaalada iyadhoo loo maraayo waddooyinka saxda ah.
Hoggaamiyayaasha haweenka ayaa sidoo kale cambaareeyay ku-takri-falka nidaamka Maslaha ee soo jireenka ah ee lagu xalliyo kiisaska GBV-ga si ka baxsan habraac sharciyeedka rasmiga ah, iyagoo sheegay in ay inta badan ay aamusiiso dhibanayaasha oo ay ka hor istaagto cadaaladda.
Waxaa ay ka digeen in aan dhaqanka gaashaan looga dhigin cadaalad darrada.
Hoggaamiyeyaasha diinta ayaa sidoo kale lagu booriyay inaysan yareynin ama aysan wax wanaagsan ku tilmaamin falalka GBV-ga.
Ololaha Komesha Dhulma waxa uu ujeedadiisu tahay in la jebiyo ceebta ka jirta ka warbixinta xadgudubyada, xoojinta kuwa badbaaday iyo xoojinta muhiimadda ay caddaaladdu u leedahay dhammaan jinsiyada ku nool Mandheera.