Iiran oo meesha ka saartay wadahadalo cusub oo nukliyeer ah ilaa weerarada ay joogsadaan

0
177

Iiraan ayaa sheegtay in aysan dib u bilaabi doonin wadahadalka ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka inta uu sii socdo weerarka lagu hayo, saacado ka dib markii wasiirka difaaca ee Israa’iil uu ka digay khilaaf “daba-dheeraada” oo kala sii dhexeeya Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Wasiirka arrimaha dibadda Cabbaas Araghchi ayaa magaalada Geneva kula kulmay diblomaasiyiin reer Yurub ah kuwaas oo ku booriyay in uu dib u soo nooleeyo dadaallada dublamaasiyadeed ee kala dhexeeya Mareykanka ee ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee dalkiisa.
Dhigiisa Israa’iil, Eyal Zamir ayaa khudbad muuqaal ah ku sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay olole daba dheeraada, wuxuuna ka digay maalmo adag oo soo socda.
Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay mowjado cusub oo weeraro ah oo ka dhan ah kaydka gantaalada Iiran iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, kadib markii Iiran ay gantaalo ku garaacday bartamaha Israa’iil.
Qaraxyo ayaa laga maqlay meel u dhow magaalada Tel Aviv ee Israa’iil. Wararka ayaa sheegaya in dhisme ku yaal bartamaha Israa’iil uu dab qabadsiiyay firir soo dhacay.