Eedeysane loo haysto inuu iska dhigay qof ka ganacsado taleefoonada gacanta oo la xiray

0
367

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku sheegtay in galinkii dambe ee shalay la xiray nin la sheegay inuu shacabka khiyaanay isaga oo iska dhigaya inuu ka ganacsado taleefoonada gacanta iyo agabka kale ee elektoroniga ah.
Eedeymaha loo soo jeediyay waxaa ka mid ah inuu lacag ku helay qaab liddi ku ah xeerarka dalka.
Waxaa lagu wadaa in maanta uu maxkamadda ka soo hormuuqdo si uu uga jawaabo waxyaabaha loo haysto.
Waaxda DCI ayaa shacabka ugu baaqday in ay agabka elektoroniga ka iibsadaan ganacsatada dowladda u diiwaan gashan si aan hantidooda looga dhicin.