Israa’iil oo duqeysay xarunta dhexe ee arrimaha gudaha ee Iiraan

0
235

Israa’iil ayaa sheegtay in ay burburisay xarunta dhexe ee wasaaradda amniga gudaha ee dalka Iiraan oo ku taalla caasimadda waddankaasi ee Tehran.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Iiraan ay madaafiic dheeraad ah ku garaacaysa Israa’iil.
Dhanka kale , madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu weli ka baaran degaya inuu qaadaya tallaabo militari iyo in kale .
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa horay u soo saaray digniin ah in duqeyn kasta oo uga timaadda dhanka Maraykanka lagala kulmi doono cawaaqib xumo aan laga soo kaban.
Waxay arrimahan ku soo beegmayaan iyadoo ilaa iyo hadda la soo tabinaya in Israa’iil ay gudaha Iiraan ku dishay in ka badan 240 qof oo ay ka mid yihiin 70 ah carruur iyo haween.
Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in laga dilay ugu yaraan 24 ruux.