Wasaarada Kalluumeysiga Soomaaliya oo heshiis la saxiixatay Shirkad laga leeyahay Turkiga.

0
231

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay heshiis taariikhi ah oo ay wasaaraddu la gashay shirkadda OYAK ee dalka Turkiga.
Heshiiskan ayaa diiradda saaraya horumarinta kalluumeysiga dalka, iyadoo uu muhiimad gaar ah siinayo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah. Waxa uu xoogga saaraya maalgelinta kaabeyaasha kalluumeysiga, kor u qaadista wax-soo-saarka kalluunka, tayeynta kalluunka si uu u gaaro suuqyada caalamiga ah, dhisidda warshado kalluumeysi, iyo abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada Soomaaliyeed ka faa’iideysan doonaan.
Sidoo kale, heshiiskani waxa uu gacan ka geysan doonaa la-dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah, iyadoo la filayo in uu sare u qaado dakhliga ka soo xarooda kheyraadka badda ee dalka.
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee XFS waxaa ka go’an horumarinta kalluumeysiga dalka, iyada oo xoojinaysa iskaashiga ay la leedahay shirkadaha caalamiga ah iyo hay’adaha maalgelinta, si loo gaarsiiyo Soomaaliya horumar iyo barwaaqo dhanka kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.