Dowladaha Kenya iyo Sweden ayaa xaqiijiyay sida ay kaga go’an tahay sare u qaadidda xiriirka dibloomaasiyadeed ee muddo dheer ka dhexeyay.
Tani ayaa timid ka dib kulan ay shalay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda Ambasadoor Raychelle Omamo iyo wasiirka iskaashiga horumarka caalamiga ee Sweden Olsson Fridh.
Wada hadallada oo ka dhacay xarunta dhexe ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ee magaalada Nairobi ayaa lagu tilmaamay kuwo wax ku ool ah.
Wasiirrada ayaa ku heshiiyay in dowladaha Kenya iyo Sweden ay si dhow uga wada shaqeyaan sinaanta jinsiyadeed , horumarinta magaalooyinka, la tacaalidda isbeddelka ku yimaado cimillada , adeegyada biyaha , wax soo saarka ,dimuqraadiyadda iyo ilaalinta xuquuqul aadanaha.