Shirka Muqdisho uga socda madaxda Soomaaliya oo natiijo wanaagsan laga sugayo

0
458

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa khudbad uu u jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in heshiis laga gaaray arrimihii la isku hayay ee la xiriiray doorashada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa Tilmaamay in mabda’ ahaan ay dhinacyada ku heshiiyeen saddexda qodob ee uu muranka ka taagnaa, iyadoo war murtiyeedka heshiiskana la soo saari doono Maalinka Khamiista ee soo aadan.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya, Maxamad Xuseen Rooble, madaxda maamul goboleedyada shanta ah iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tan iyo Maalinkii Sabtidii ku shirsanaa xeradii ciidanka cirka Soomaaliya ee Afisyooni.
Heshiisk ay dhinacyadu gaaraan ayaa dhabaha u xaari doona in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoon yahay, kadib markii uu muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhammaaday islamarkaan si aad ah loogu kala aragti duwanaaday arimaha doorashada iyo sida loo wajahayo.
Qodobada sababay in shirarkii hore ee Doorashooyinka aan wax heshiis ah laga gaarin ee ismariwaaga keenay ayaa waxaa ka mid ah arinta gobolka Gedo,cida maamulaysa kuraasta Xildhibaanada gobolada Waqooyi iyo gudiga doorashooyinka arimahaas oo dhawaam la soo sheegayo in la isaga soo dhawaaday si khamiista loogu dhawaaqo loona saxiixo heshiiska Rasmiga ee doorashada.
Dhanka kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shir gaar ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, waxaana kulanka khudbad ka jeediyay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobayu qabailsan arimaha dalka Soomaaliya.
James Swan oo shirka khudbad ka jeedinayay ayaa sheegay inay muhiim tahay in Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiis ka gaaran doorashada dalka ka dhaceysa.
Waxaa uu Xusay James Swan in Shirka Madaxda Soomaalida ee ka socda Magaalada Muqdisho uu ka soo baxo heshiis la fulin karo, si loo qabto doorasho heshiis lagu wada yahay oo lagu qaban karo waqti kooban.