DHEGEYSO:Senetarada oo madaxda amniga su’aalo ka weydinaya dilka Albert Ojwang

0
393

Taliyaha guud ee booliska dalka Douglas Kanja ayaa shaaca ka qaaday in qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ee loo aaneynayo inay ka dambaysay dilka Albert Ojwang taasi oo keentay in ciidamada amaanka ay ku raad joogeen.
Isagoo ka soo hormuuqday Senatka arbacada maanta ah, Kanja wuxuu sheegay in barta X lagu ogaaday in Ojwang uu ku soo qoray wax isdaba marin lagu eedeynayo Booliiska qaranka taasi oo la sheegay in ay taabatay ku xigeenka taliyaha Booliiska Eliud Lagat .
Sido kale waxaa aqalka Senetka ka soo muuqday oo su’aalo lagu weydinayay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Kipchumba Murkomen iyo madaxa ciidamada dambi baarista ee dalka DCI-da Mohamed Amiin.
Haatana aan wada dhagaysano su’aalaha qaar ee wax laga weydiyay madaxda ammaanka taasi oo ku saabsan waxyaabaha ku gadaaman dilka Albert Ojwang.