IPOA oo warbixin horudhac ah ka soo saartay dilkii Albert Ojwang

0
435

Baaritaano horudhac ah oo ay samaysay Hay’adda Madaxbanaan ee Kormeerka ku samaysaa hawlaha Booliiska ee dalka (Ipoa) ee ku saabsan dhimashada Albert Ojwang ayaa sheegtay in la faragaliyay muuqaalka CCTV-da ee ku xirnaa saldhiga Booliiska ee Central.
IPOA ayaa meesha ka saartay warbixinta Booliiska oo ah inuu isaga is dilay Ojwang.
Ku xigeenka madaxa IPOA Anne Wanjiku oo dhawaan ka soo hormuuqatay aqalka Senetka ayaa sheegtay in nidaamka kaameerada qarsoon ee CCTV-da oo baahin lahayd wax walba oo ka dhacaya saldhiga Central ee Nairobi taasoo ku xirneed xafiiska taliyaha Booliiska ee saldhigaas ayaa lagu sameeyay faragalin .
Wanjiku ayaa u sheegtay Senatka in maamulka IPOA uu hadda ka shaqeynayo sidii loo dhameystiri lahaa baaritaanada ku aadan dilka lagula kacay Ojwang.
Ciidamada ayaa markii ay soo xireen Ojwang waxaa ay geeyeen saldhiga Booliiska Mawego ka hor inta aysan u soo gudbin dhanka magaaladatan Nairobi