Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa ku baaqay in shaqada laga joojiyo ku xigeenka taliya guud ee booliiska Eliud Lagat sababo la xiriira geerida Albert Ojwang’ oo aan la ogeyn sababta.
War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa X ayuu Gachagua waxaa uu u sheegay in Lagat uu mas’uuliyad buuxda uu qaado maadama Ojwang’ loo soo xiray faalo uu ka bixiyay taliye ku xigeenka oo ku faaftay baraha bulshada.
Gachagua oo hadalkiisa sii wato ayaa ku andacooday in Eliud Lagat uu maamulo saldhigyada booliiska ee Kamakunji iyo midka dhexe ee magaalada Nairobi isaga oo aan la socodsiin Taliyaha guud ee booliiska dalka.
Waxaa uu sheegay in labadan saldhig ay noqdeen goob Kenyaanka lagu ciqaabo isaga oo tusaale u soo qaatay masaafurinta Alberta Ojwang’ ee magaalada Homa Bay ila saldhigga dhexe ee Nairobi.
Isla mar ahaantaa Axmed Xaashi oo ah falanqeeya Diblomaasiyadeed ayaa qaba in Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kipchumba Murkomen uu xafiiska banneeyo maadama uusan ila hadda ka hadlin dilka loo geestay Albert.
Xaashi oo u warramayay Telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa su’aal ka keenay in hay’adaha ammaanka lagu aamini karo ammaanka Kenyaanka.