Dowladda Mombasa oo bilaawday hab lagu nadiifinaayo gobolka oo dhan si looga hortago faafitaanka Chikungunya

0
399

Dowladda ismaamulka Mombasa ayaa olole ballaaran oo lagu nadiifinaayo xaafadaha la deggan yahay ka bilaawday dhamaan deegaanada gobolka si loo cirib tiro kaneecada ka dib markii ay sare u kaceen kiisaska Chikungunya.
Cudurkan oo ay ugu horrayn faafiso kaneecada Aedes ayaa walaac ka dhex abuuray saraakiisha caafimaadka, taasoo keentay in la xoojiyey wax ka qabashada xakamaynta fayraska ee lagu beegsanayo xaafadaha, dugsiyada, xarumaha caafimaadka iyo goobaha kale ee dadweynaha.
Sida laga soo xigtay Waaxda Adeegyada Caafimaadka ee dowlad deegaanka Mombasa, Ololaha ayaa waxaa kale oo lagu doonayaa in lagula dagaallamo cudurrada kale ee kaneecada ka dhasha sida qandhada dengue iyo duumada, kuwaas oo laga soo sheegay in ay kor u kaceen tirada guud ee lixda degmo ee ismaamulka.
Chikungunya ayaa ah cudur fayras ah oo saameeya bini’aadamka iyo qaar ka mid ah xayawaanka. Calaamadaha caanka ah ee lagu garto ayaa waxaa ka mid ah qandho sare oo degdeg ah, xanuun daran oo kala goysyo iyo murqo ah, finan iyo madax xanuun. Cudurka ayaa qofka laga dareemaa laba ilaa todoba maalmood ka dib qaniinyada kaneecada.
Saraakiisha caafimaadka ayaa ka digay in aysan jirin daaweyn gaar ah ama tallaalka fayraska. Taa baddalkeeda, bukaannada waxaa lagula talinayaa inay nastaan, biyo badan cabaan oo ay qaataan paracetamol si ay qandhada iyo xanuunka kale uga yaraado.