Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr.Fred Matiangi ayaa si kulul u cambaareeyay weerar dhawaan laga gaystay degmada Kapedo ee bariga ismaamulka Turkana.
Weerarka oo lala eegtay qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka oo ku sugnaa aagga loo yaqaano Emadau Temako ayaa waxaa ku dhintay agaasime ku xigeenka howlgallada ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da halka labo sarkaal oo kale ay dhaawacmeen.
Dr. Matiangi ayaa falkaas ku tilmaamay mid gaadmo ahaa oo ay ka dambeeyeen burcad.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in laamaha ammaanka ay u raadjoogaan burcaddii weerarka gaysatay si tallaabo sharciyeed looga qaado.
Waxaa uu siyaasiyiinta ismaamulkaas ku eedeyay inaynan daacad ka ahayn sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka amni ee halkaas in muddo ah ka jiray.