Eedeysane lixaad oo lagu xiray howlgallada socda ee ka dhanka ah kooxaha burcada ee Nakuru

0
383

Booliiska ayaa xabsiga dhigay tuhmane lixaad oo lala xiriirinayo falal burcadnimo ah oo ka dhacay ismaamulka Nakuru, xilli ay sii kordhayaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee argagaxa ku haya dadka deegaanka.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Elijah Kimani Kinyanjui, ayaa waxaa laga soo qabtay deegaanka Mzee wa Nyama, waxaana lagu helay alaabo uu dhawaan ka xaday mid ka mid ah dadka deegaanka Pakawa.
Kinyanjui ayaa lagu wareejiyay saraakiisha dambi baarista bariga Nakuru, waxaana la filayaa in lagu soo oogo dacwado ay la socdaan shan tuhmane oo kale oo lagu soo qabtay howlgal hore.
Intii uu howlgalka socday, boolisku waxa ay soo furteen qori AK-47 ah oo loo adeegsaday dhacdooyin badan oo ay ka mid tahay toogashadii loo geestay askari booliis ah 1-dii bishan June.
Lixda qof oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen toogashada sarkaalka ayaa xabsiga lagu sii hayn doona 30-ka maalmood ee soo socda si baaritaanada lo soo gabagabeeyo.