Wabiga Shabeelle ayaa Xalay Fatahaad ka sameeyay Xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka dib markii Wabiga uu keenay biyo aad u farabadan.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in Wabiga uu fatahaada ka sameeyay Xaafada dhagax jibis qaybo kamid ah, islamarkaana ay aminsan yihiin in Biyaha la soo Furay sida ay warbaahinta gudaha Soomaaliya u sheegeen.
Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa Guddiga fatahaadaha Magalada Beledweyne ay wadeen dadaalo ay uga hortagayaan fatahaada, iyagoo bilaabay dhismaha Biyo Xireeno si uusan u fatihin Wabiga.
Qaar kamid ah dadka ku nool Xaafada dhagax jibis ee Magaalada Beledweyne ayaa bilaabay inay ka barakacaan Guryahooda kadib markii qeybo kamid ah Xafada uu Wabiga ka fatahay ayna ka cabsi qabaan inuu markale fataho.
Sanadkaan ayaa dadka ku nool Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ay dareemayaan inay ka badbaadayaan fatahaada Wabiga Shabeelle oo ay ku barakici jireen Boqolaal Qoysas ah kadib markii Guddiga fatahaadaha Magalada Beledweyne ay sameeyeen Biyo Xireeno, iyagaoo kaashanaya Maamulka gobolka Hiiraan.