Tirada dadka ku dhintay dagaalladii Daarfuur oo korortay

0
682

Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaal beeleedyadii dhawaan saameeyay galbeedka gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen ugu yaraan 129 qof.
Sida laga soo xigtay guddiga dhakhaatiirta ee gobolkaas waxaa dhaawacmay 198.
Dadka ay waxyeelladu soo gaartay waxaa ka mid ah carruur.