Shil gaari oo ka dhacay suuq ku yaala ismaamulka Makueni

0
322

Haweeney iyo canugeeda ayaa hadda lagu daweynayaa Isbitaalka heerka afaraad ee Matuu ka dib markii uu jiiray gaari xili ay ku sugnaayeen Suuqa Kikumini oo ku yaalla Waddada isku xirta Kanyonyo-Embu.
Sida laga soo xigtay maamulaha bartamaha Masinga John Malonza, gaariga shilka sababay ayaa goobta ka baxsaday balse markii dambe waxaa lagu qabtay suuqa Kivaa.
Gaariga ayaa loo qaadey Saldhigga Booliska ee Kikumini iyadoo baaritaannada ay socdaan.