Senetaradda la magacaabay ee Veronica Maina ayaa ra’yigeeda ku sheegtay in iyadoo dalalkasta ay ilaalinayaan xuquuqaha madaxbannaanida si ay u go’aamiyaan cidda geli karta dhulalkooda, ay jira baaq ku saabsan daahfurnaanta iyo sharraxaadda marka shakhsiyaadka loo diido inay soo galaan ama la tarxiilo.
Arrintan ayaa la xiriirtay Kenyaanka, oo ay ku jiraan qareenada Martha Karua iyo madaxii hore ee cadaalada Willy Mutunga oo loo diiday inay Tanzania galaan.
Senator Maina ayaa soo jeediyay in mas’uuliyiinta Tanzania ay soo bandhigi karaan sababo sharci ah, iyaga oo xoogga saaraya muhiimadda isgaarsiinta.
Dhanka kale mid ka mid ah dadka u olaleeya xuquuqda aadanaha oo Kenyaan ah ayaa lagu xiray hotelka uu ka degganaa Tanzania halkaas oo uu qorsheynayay inuu ka qeyb galo maxkamadeynta khiyaanada qaran ee hogaamiyaha mucaaradka, sida ay xaaskiisa u sheegtay wakaalada wararka ee AFP maanta.
Boniface Mwangi ayaa ka mid ahaa dhowr qof oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka gobolka oo u safray Tanzania si ay u muujiyaan midnimo hoggaamiyaha mucaaradka Tundu Lissu intii lagu jiray maxkamad dacday shalay.
Njeri oo ah xaaska Mwangi ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee AFP in aysan u suurta galin in ay la xiriirto tan iyo markii la xiray.
Sida ay sheegtay Njeri, Mwangi ayaa laga soo kaxeeyay Hotelka Serena isaga iyo Agather Atuhaire oo dhalasha ahaan ka soo jeedo Uganda.