Madaxii hore ee cadaalada Kenya David Maraga ayaa gaaray dalka Tanzania iyadoo maanta maxkmadda la soo taagay hogaamiyaha mucaaradka dalkaas ee Tundu Lissu.
Maraga ayaa ka qeyb galayaa kiiska loo haysto hogaamiyaha mucaaradka ee Tanzania .
Imaatinka Maraga ee dalka Tanzania ayaa ku soo beegmaya maalin un kadib markii hogaamiyaha xisbiga Liberation Party Martha Karua loo diiday in ay gasho Tanzania kadib dib loogu soo celiyay Kenya.
Maraga ayaa maanta gaarey Maxkmadda Kisutu, halkaas oo ay ka socoto dacwadda loo haysto Tundu Lissu.
Lissu,oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ugu weyn Tansaaniya, CHADEMA, ayaa wajahaya eedeymo khiyaano qaran ah oo ka dhashay isu soo bax uu qabtay bishii April kaasi oo ka dhacay magaalada Mbinga .
Waxaa uu xiligaas ku baaqay in dib u habeyn lagu sameeyo doorashada.
Dhanka kale Madaxii hore ee maxkamada sare ee dalka Willy Mutunga, madaxa Vocal Africa Khalid Hussein iyo Haniifa Adan oo u dhaq dhaqaaqdaa arrimaha bulshada ayaa la filayaa in galinka dambe ee maanta ay dib ugu soo laabtaan dalka kadib markii lagu xiray garoonka diyaaradaha Julius Nyerere ee magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.