Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka oo laga helay Kansar halis ah

0
447

Madaxweynihii hore ee waddanka Maraykanka Joe Biden, ayaa laga helay kansarka qanjirka borostaatada, kaasoo ku faafay lafihiisa, sida lagu sheegay war ka soo baxay xalay xafiiskiisa.
Biden, oo xilka ka dagay bishii Janaayo ee sanadkan, ayaa xanuunkan laga helay Jimcihii ka dib markii uu baaritaan ku sameeyay dhakhtar toddobaadkii hore isagoo isku arkay calaamado ka dhan ah cudurkaas.
Biden iyo qoyskiisa ayaa la sheegay inay dib u eegis ku sameynayaan xulashooyinka noocyada daawaynta Kansarka.